12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Xildhibaan Xasan Yare oo raali geliyay Askari uu ugu gacan qaaday gudaha Golaha Shacabka
 

Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay gacan qaadkii uu ugu geeystay gudaha aqalka Golaha Shacabka mid kamid ah saraakiisha ilaalada ka ah Xaruntaasi, waxaana maalmihii ugu dambeeyay arintaasi ku dhex jiray sidii dhacdadaan xal looga gaari lahaa Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay inuu sarkaalka uu feeray iyo Shacabka Soomaaliya uu ka raali gelinayo falka uu sameeyay waxana uu goobta cafis ku weydiistay sarkaalka.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay inuu qaadanayo mas'uuliyadda wixii ka dhacay Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay xalka laga gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday sarkaal ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka ka dhacay Guriga Sheekh Aadan Madoobe, waxaa goob joog ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), Guddoomiyaha Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo sidoo kale Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare.