12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Somaliland oo Go'aamo Kasoo Saartay Shirarka Qabaa'ilka iyo Afxumada
 

Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in talaabo laga qaadi doono cidkasta oo ku kacda fal nabadgalyda waxyeelaya, afxumada iyo abaabulka shirarka qabaa'ilka.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha  ayaa lagu yidhi "Waxaa la isla qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darroda ah, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland".

Waxa la go'aamiyay In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka warbaahinta ku baahiya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaasoo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

"Waa in Saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland"  ayaa lagu yidhi go'aamada kasoo baxay Wsaarada Arrimaha Guddaha.

Sidookale waxa la go'aamiyay in maanta laga bilaabo la joojiyo in hotelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo lagu qabto shirar qabiilaysan, isla markaana waxaa la faray hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, talaabana laga qaadi doono cidkasta oo ogolaata shirar caynkaas ah.

Ugu danbayn, waxa la go'aamiyay in la adkeeyo amniga guud iyo xuduudaha, go'aamadan ayaa imanaya kadib mudaharaado dhawaanahan socday oo lagaga soo horjeeday maayarka Hargaysa, iyo shirar qabiilaysan oo magaalada ka socday.