12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Xildhibaan Xasan Yare oo Muddo laba bilood laga Mamnuucay Kulamada Golaha Shacabka
 

Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la dul dhigay ganaax adag oo gunno ka jaris ah iyo muddo laba bilood ah inuusan soo xaadiri karin fadhiyada Golaha Shacabka.

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa sidoo kale la dul dhigay ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha uu kala mideeysan yahay Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka ay sameeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

Kulan xalay ka dhacay Hoyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu soo dhoweeyay Xildhibaan Xasan Yare raaligelintii iyo cudur daarkii uu ka bixiyay falkii gacan qaadka ahaa ee Golaha Shacabka uu ka sameeyay 27kii Bishii hore.