Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa deegaanka Gugulethu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi uu ka shaqeynaayay.
Muwaadinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Calasow, kaasoo ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay deegaanka lagu dilay maanta.
Buracada dishay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa dilkiisa kadib, dukaanka horey uga sii qaatay lacago iyo agabyo kale oo yaalay dukaanka, iyagoona goobta isaga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib gaaray goobta ganacsi ee lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay baaritaan aysan kasoo bixin wax natiijo ah.
Ugu dambeyntii dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah loogu dila muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi u ganacsi tagay, waxaana xusid mudan in dhamaadka sanad kasta ay kordhaan dilalka beegsiga lagu haayo muwaadiniinta dalkaasi ku nool.