12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2024
Shirka Qorshaha kala guurka ee ka bixitaanka Ciidamada ATMIS oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Shir shan maalmood uga socday magaalada Muqdisho wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed quseeya xaalada kala guurka ee kabixitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho 30kii Bishii November waxaana lasoo xiray 4tii Bishaan December, waxaana goob joog ka ahaa Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, inta shirkaan uu socday waxaa diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkaan uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay:-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa'iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Ugu dambeyn waxaa la isla qaatay in la sii taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.