12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2024
Maxaa looga hadlay Shirkii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya?
 

Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Maadama maalmihii lasoo dhaafay ay taagneed xiisada Ciidan ee ka taagan Jubaland gaar ahaan Ciidamada Dowladda ay geeysay Degaanada Dowlad Goboleedkaasi ayaa Golaha waxaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u sheegay in magaalada Kismaayo laga daabbulayo ciidamo uu tilmaamay in loogu talagaly inay la dagaallamaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee dhowaan loo geeyay deegaan ka mid ah dalka, si ay ula wareegaan meelaha ay ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ATMIS.

Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo maamulka Jubaland uu ku dhawaaqay inay si rasmi u joojiyeen xiriirkii iyo wadashqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka ee Soomaaliya, kadib markii hoggaanka sare dalka ku eedeeyeen xadgudub dastuurka ah, iyo inay ciidamo geeyeen deegaanno nabdoon.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).