12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Jubaland oo Diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya uga digtay inay tagaan Raas-Kambooni
 

Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdullahi Dubad Shill ayaa uga digay shirkadaha Duulimaad ee iyagu duulimaadyada kutaga magaalada Raas-Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana wasiirka uu tilmaamay in aagaas uu yahay mid saan saan colaadeed ay ka jirto.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa digniin culus loogu diray Shirkadaha duulimaad waxaana lagu yiri "Dowlad Goboleedka Jubaland waxay uga digaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Raas-kiyanbooni. Deegaankaas waxaa ka jira xaalad colaadeed oo halis ah, taasoo keeni karta khatar weyn oo dhinaca amniga ah".

Wasaaradda ayaa hadalkeedi intaa ku dartay in Shirkaddii ka dhaga adaygta digniintan in iyada ay qaadi doonta masuuliyada wixii ka dhasha xaaladaha saan saanta colaadeed ee degaankaasi ka taagan.

Ugu dambeyn warqadaan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka waxaa ay fartay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha inay u hogaansamaan digniintan, kana fogaadaan inay wax duulimaad ah ka sameeyaan aagaas, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida Soomaaliyeed.

Digniintaan waxa ay timid iyadoo Dowladda Soomaaliya ay wali ciidamo dheeri ah kusii daabuleyso Raas Kambooni.