Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Dowladda France oo Soomaaliya ka cafisay deyn dhan $145.6M
Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet ayaa ku kala saxiixday safaaradda ay faransiiska ku leedahay magaalada Nairobi heshiis lagu soo afjaray deymihii ay Dowladda France ay ku lahayd Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Safaaradda France ee Kenya ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya u fadhiya waxaana Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan $145.6M.
Heshiiskaan maanta deynta badan looga cafiyay Soomaaliya waxa uu soo maray dhowr waji waxaana qeyb uu ka yahay go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa saxiixa heshiiskaan kadib waxa uu ka dhawaajiyay in tani guul ay u tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxana ay ka qaadi doontaa ayuu yiri culeeska dhaqaale ee deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal dheer ay ugashay sidii mar uun Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha la degay, waxaana tani ay ka saaciday in Hay’addaha Dowladda ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaado marka loo eego inay qaadeen nidaamka Hay’addaha Dowladiga ee Caalamka.