12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Ciidamo hor leh oo ka tirsan Jubbaland oo maanta ku biiray ciidanka dowladda ee ku sugan Raas kamnbooni
 

Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Ciidamada Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta markale kusoo bandhigay deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose ciidamo kaga soo biiray maamulka Jubbaland.

Ciidamadaan oo tiradoodu lagu sheegay ila 100 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Raas kambooni, waxaana saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegeen in ciidankaan ay qayb ka noqonayaan howlgalada Al-shabaab looga xuraynayo deegaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Taliyaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Aadan Maxamed Xasan Ciraaqi oo ka mid ah taliyaasha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ayaa soo dhaweyn kadib kula dardaarmey ciidanka maanta kusoo biiray inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa sidoo kale xusay in  ujeedka ciidanka Qalabka Sida dhawaan loo geeyay degaanka Raas kambooni iney tahay la wareegista fariisimaha ay ka baxayaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya.

Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsana kuwa Daraawiishta Jubbaland oo ku socday ilaa afar doomood ay isku dhiibeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.