12/29/2024
Today from Hiiraan Online: At least 11 killed, 20 injured in clan clashes in western Mu...
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Madaxweynaha Eritrea oo sheegay in heshiiskii uu dalkiisa la saxiixday Soomaaliya iyo Masar uusan duulaan ku ahayn Itoobiya
 

Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Eritrea  Isaias Afwerki ayaa Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ee dalkiisa, waxa uu ku faah faahiyay heshiiska saddex geesoodka ee dhexmaray wadamada Masar, Soomaaliya iyo Dalkiisa Eritrea.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa sheegay in laga been abuuray heshiiska saddex geesoodka ah oo warbaahinta qaar ay u turjumeen inuu yahay mid aan duulaan ku ah Dowladda Itoobiya.

Isaias Afwerki ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska ay dowladdiisa ay la gashay dowladaha Soomaaliya iyo Masar inuu yahay mid ka shaqeenaya xasilloonida gobolka, waxaa si qaldan loo micneeyay ayuu yiri Masar oo heshiis ka qeyb ka ah muran dhinaca wabiga Nilna uu kala dhaxeeyo Itoobiya iyo Soomaaliya oo diidan heshiiskii Addis Ababa ay la gashay Somaliland.

Dhammaan arrimahaani oo dhami oo isbiirsaday ayuu ku tilmaamay koox dulaaliin shisheeye ah inay baraha bulshada ay ku faafiyeen in heshiiska saddex geesoodka ah uu duulaan ku yahay Dowladda Itoobiya.

Ugu dambeyn markale waxa uu ku celiyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki sida ay Dowladiisa uga go'an tahay inay difaacdo lana ixtiraamo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.