Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Hoose

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha
Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo khasaare geystay uu dhaxmaray ciidamada
dowladda iyo kuwa xoogga ururka Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa gaar ahaan ka
dhacay deegaanka Buulo Naagey oo ku yaalla inta dhaxeeya Ceel Wareegow Iyo
Namabr 60 Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Labada dhianc ayaa dagaalka isku adeegsaday hub culus waxaana jira
khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray.
Saraakiisha ciidamada dowladda
Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dagaalkan ka hadlay ayaa guulo ka
sheegtay.
Laakiin dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xooggga Ururka
Al-shabaab ee dagaalka la galay ciidamada dowladda.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com