Dilalka muwaadiinta Soomaalida ee Koonfur Africa oo sii kordhaya

Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii kordhaya dilalka kooxo madow ah oo
la garaneyn dalka Koonfur Africa kula kacayaan ganacsatada Soomaalida ah ,
iyadoo todobaadydii aynu soo dhaafnay la tiro ganacsatado Soomaali ah.
Xaley ayaa lagu waramayaa in
xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town lagu dilay
muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale sida ay
warbaahinta u sheegeen dad ay is garanayeen marxuumka oo ay goob ka wada
shaqeynayeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa
Koonfur Africa ayaa la sheegay in ay
tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, balse waxaa la sheegay in ay baxsadeen
kooxda dilka geysatay.
Dowladda Koonfur Africa
ayaa wax talaabo ah oo uu muuqda ka qaadin amniga dadka ajaanibta ah ee ku
sugan dalkaa gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed oo dilalka ugu badan lagula
kaco.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com