Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka wareejiyay

Axad, November, 08, 2020 (HOL)-
Iyadoo lagu waddo in labo cisho ka hor magaalada Jowhar lagu qabto
doorashada madaxweynaha iyo
ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa xilka wareejiyay
guddoonka hore ee Baarlamaanka.
Guddoomiyihii hore ee
Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad
Cabdi Xassan Geedi ayaa xilka ku wareejiyay guddoonka cusub ee dhawaantan la
doortay kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Cismaan Barre Maxamed ayaa la shaqeeyay labadii madaxweyne
hore ee isaga danbeeyay Hirshabeelle, waxaana uu ahaa shaqsi saameyn badan ku
lahaa siyaasadda maamulkan laakiin uma suurtagalin dhismahan cusub ee
Hirshabeelle in uu ka soo dhax muuqdo.
Guddoomiyihii hore ee
Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu
hambaleeyay xilka loo dooryay, isaga oo ugu baqay in uu dardar geliyo
Shaqooyinka horyaalla, isla markaana dhankiisa uu la Shaqeyn doono.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com