Axad, November, 08, 2020 (HOL)-Waxaa sii xoogeysana dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalamaya gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.
newsinsideRa’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku eedeeyay ismaamulka Tigray-ga in ay waddaan wax uu ku tilmaamay qiyaabo Qaran iyaga oo doonaya ayuu yiri bililiqeystaan hanta Qaranku leeyahay, waana tan keentay in ra’iisal Wasaaruhu ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya u fasaxo in ay howlgal ka sameeyaan gobolka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la
joojiyo xabbada, Xisbiga TPLF ayaa sanado badan
awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday
tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii
2018. Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]