Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday

Cabirka Farta

  Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday

Talaado, November, 10, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu qaadacay ka qeybgalka doorashada 2020-21, iyaga dood ka keenay sida loogu kalsoonaan karo guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada.

Musharixiintan oo tiradoodu gaareyso 12 musharax ayaa qoraalkooda ku sheegay in wax ka badal lagu sameeyo guddiyada doorashada oo sida ay hadalka u dhiggeen u badan Askar dowladdeed, iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah guddiyada looga dhax saaro xubnaha Askarta ah ee ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka, xubnaha shaqaalaha dowladda iyo waliba kuwa ku caanbaxay taageerrada madaxweyne Farmaajo’’ ayaa lagu yiri qoraalka

Hoos ka akhriso : 

Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday 

Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday 

Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]