Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday

Talaado, November, 10, 2020
(HOL)- Qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah
musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu qaadacay ka
qeybgalka doorashada 2020-21, iyaga dood ka keenay sida loogu kalsoonaan karo
guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada.
Musharixiintan
oo tiradoodu gaareyso 12 musharax ayaa qoraalkooda ku sheegay in wax ka badal
lagu sameeyo guddiyada doorashada oo sida ay hadalka u dhiggeen u badan Askar
dowladdeed, iyo shaqaalaha madaxtooyada
Soomaaliya.
‘’Waxaan
ku baaqeynaa in si deg deg ah guddiyada looga dhax saaro xubnaha Askarta ah ee
ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka, xubnaha shaqaalaha dowladda iyo waliba kuwa
ku caanbaxay taageerrada madaxweyne Farmaajo’’ ayaa lagu yiri qoraalka
Hoos ka akhriso :
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com