Faah faahin Qarax miino duulleedka Dhuusa-Mareeb lagula eegtay Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Talaado, November, 10, 2020
(HOL)-Inta la xaqiijinayo Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku
dhintay weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay dulleedka degmada
Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.
Sidoo kale qaraxan oo ka dhacay
deegaanka lagu magacaabo Sinno –dhaqo ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa sagaal
askari oo la socday gaariga la bartilmaameedsaday oo ahaa nooca dagaalka.
Askarta dhaawacu soo gaaray ayaa
la geeyay goobo caafimaad oo ku yaala degmada Dhuusa-Mareeb, halkaa oo lagu
dabiibayo.
Ma jiro wax war ah oo weerarkan
miinada loo adeegsaday ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo
maamulka gobolka intaba.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
.