Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada dowladda lagula eegtay gobolka Galguduud

Talaado, November, 10, 2020
(HOL)- Warar goor dhaw naga soo gaaray gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax
sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa
dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo gaar ahaan ka dhacay
deegaanka lagu magacaabo Sinna-dhaqo oo ka tirsan degmada Dhuusa-mareeb ayaa
lagu bartilmaameedsaday gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen qaar ka mid ah
ciidamada 21aad xoogga dalka.
Tirada askarta ku dhimatay
qaraxan lama oga hasse ahaatee waxaa ay wararku sheegayaan in uu jiro khasaare
dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xooggan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com