Midowga Africa oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Itoobiya
Talaado, November, 10, 2020
(HOL)-War ka soo baxay Ururka midowga Africa ayaa looga hadlay dagaalka sii
xoogeysanaya ee ciidamada difaaca Qaranka ka wadaan gobolka Ismaamulka
Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.
Moussa
Faki Mahamat guddoomiyaha Midowga Africa ayaa dhinacyada ay dirirtu u
dhexeyso ugu baaqayin ay dagaalka joojiyeen wixii khilaaf ah ee jirana lagu soo
dhameeyo wada hadal iyo nabad.
Dagaalka
ayaa u muuqda mid aan wali lagu kala adkaan iyadoo horay Ra’iisal Wasaaraha
Itoobiya uu u sheegay in waqti kooban ku soo afjari doonaan howlgalka.
Gobolka
Tigrayga ayaa la sheegay in ay ku yaala saldhigyada ugu culus marka la eego
xarumaha militariga dalkaas waxaana dad badani ay qabaan in dagaalka halkaa ka
socda ay adag tahay muddo kooban lagu soo afjaro.
Horay
hoggaamiyaha Ismaamulka Tigrayga ayaa ugu dalbaday midowga Africa in ay soo
faragaliyaan xaalada ka taagan Itoobiya.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com