Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB oo Geeriyooday

Cabirka Farta

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale
Khamiis, January 08, 2009(HOL): Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa maanta ku geeriyooday Dalka Jabuuti oo xaalad Caafimaad loo geeyay. Isaga oo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin tacsi u diray Qoyskii Marxuumka iyo taageerayaasha Xisbiga Talada dalka haya ee UDUB.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale oo Xanuun kedis ahi haleelay, isla markaana shalay loo qaaday Dalka Jabuuti, ayaa maanta ku geeriyooday Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta geerida Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale ka tacsiyeeyay Qoyska, Ehelada iyo dhammaan Umadda Somaliland. Dhambaalka Tacsida ah oo soo baxay Madaxtooyada, ayaa waxa uu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu manta dhambaal tacsi ah u dirayaa Qosykii, Qaraabadii , Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha unaxariistee Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga UDUB, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay , waxana uu qayb laxaad leh ka soo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii Qaranka JSL  Alla ha u Naxariistee Marxuumku waxa uu hadh iyo habeenba u taagnaa horumarinta Qaranka iyo adkaynta Nabad gelyada.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka waxa shalay loo qaaday Dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo xanuun kadis ah oo ku dhacay, waxana uu maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo , qoyskii, Qaraabadii , Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo shacbiga reer Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.”

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland