Khamiis, January 08, 2009(HOL): Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Hotel Madiina ee Degmada Xamar Ja-jab.
Ciidamada is-rasaaseeyay oo ka kala tirsan Talisyada Mileteriga iyo Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay is-rasaaseyntooda timid kadib markii Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Saldhigga Afar Irdood lagu soo wargeliyay in ay Ciidamo Mileteri ah dad rayid ah ku dhacayaan nawaaxiga Hotelka Madiina, sidaasna ay is-rasaaseyntooda ku bilaabatay.
Is-rasaaseyntaas oo waqti kooban socotay ayaa waxay sababtay dhimashada labo askari oo la socday Ciidamadii Mileteriga ahaa iyo dhaawac qof rayid ah oo ay gurigiisa ugu tagtay rasaastii ay labada ciidan isku ridayeen.
Sida ay sheegeen dad ka dhawaa halka ay is-rasaaseynta ka dhacday Ciidamada Mileteriga ayaa waxay ka tirsanaayeen Ilaalada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde. Taliyaha Ciidamadaas oo Keerow lagu magacaabana waxaa uu qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho uu u xaqiijiyay in ay Ciidamadaas ka tirsanaayeen ilaalada Ra’iisal Wasaaraha balse waxaa uu beeniyay in markii is-rasaaseynta dhaceysay ay wax dhacayeen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku rasaaseeyaan magaalada Muqdisho, waxayna ahayd Axaddii aynu ka soo gudubnay markii Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ay isku rasaaseeyeen Isgoyska Hotelkii Jubba, iyadoo halkaasna uu labada ciidan ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia