Khamiis, January 08, 2009(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu ka xun yahay in aysan Ciidamada Itoobiya uga bixin Soomaaliya waqti kama dambeys ah oo ay Dowladdooda qabsatay kaasi oo ahaa 5-tii bishan.
Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamuud Axmed Tarzan ayaa sheegay in eedda ku saabsan in aysan Ciidamada Itoobiya bixin ay leeyihiin Dowladda Itoobiya iyo Beesha Caalamka oo arrintaas dadaal dheeraad ah gelin.
“Annaga waxa aan heshiiska la galnay waa TFG-da iyo Beesha Caalamka ee Itoobiya lama gelin, waxayna ahayd in ay Beesha Caalamka culeys ku saarto Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan.
Sidaasoo ay tahay waxaa uu sheegay Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya in aaney ka wada quusan in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in ay arrintaas dhici doonto dhawaan.
“Waxaa jira wada hadal arrintaas ku saabsan oo u socda Guddiyada Ammaanka TFG-da iyo ARS, kuwaasi oo ku saabsan sidii looga shaqeyn lahaa in ay Dowladda Itoobiya Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia