Khamiis, January 08, 2009(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Nairobi ku sugan waxaa uu u sheegay in waqtigii la dooran lahaa madaxweynaha Soomaaliya ay ka harsan tahay 21 maalmood.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada uu la hadlayay waxaa uu u sheegay in ay maalinta Jimcaha ah ee berri ah ay isu diyaariyaan in ay safar ugu amba baxayaan Magaalada Baydhabo, si buu yiri loo diyaariyo guddiyadii doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo aan soo hadal-qaadin Heshiiskii Jibouti iyo sida laga yeelayo qodobkii ku saabsanaa in Baarlamaanka la ballaariyo kadibna la doorto Dowlad-Midnimo-Qaran, ayaa wuxuu sheegay in ammaanka Magaalada Baydhabo la adkeeyay, isla markaana aysan jiri doonin wax cabsi ah oo dhinaca ammaanka ka imaan doonta.
Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Aadan Madoobe in ay Baarlamaanka Soomaaliya sharaf u tahay in uu markii ugu horeysay muddo 18 sano ah uu gudaha Dalka Soomaaliya madaxweyne ku doorto, wuxuuna taasi ku macneeyay horumar dhinaca siyaasadda ah oo la gaaray.
Ilaa iyo haatan jagada madaxweynenimada Soomaaliya waxaa isu soo taagay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in uu isna Musharax aan isa soo banaan-bixin uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia