Arbaco, January 07, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu maanta dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Diin-soor ee Gobolka Bay, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo isku dhinac ah iyo xoogagga Al-Shabaab oo ka soo horjeeda.
Dagaalka oo ka dhacay Deegaannada Safar-Nooleys iyo Manaas ayaa wuxuu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay Degmada Baydhabo, kuna sii jeeday Degmada Diin-soor ay jidka u galeen Xoogagga Al-Shabaab.
Khasaaraha dagaalkan ka dhashay ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn marka laga reebo in saraakiil u hadlay Xoogagga Al-Shabaab ay sheegeen in ay khasaare u geysteen Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socday, dhinacoodana uu hal dagaalyahan ka dhintay.
Dagaalka maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Diin-soor iyo Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay Degmada Diin-soor gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, inkastoo ay dib uga laabteen Degmadaas oo wararkii ugu dambeeyay oo naga soo gaaray ay sheegayaan in ay haatan gacanta ku hayaan Xoogagga Al-Shabaab.
Ugu dambeyntiina, Deegaanno dhowr ah oo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday dagaallo nooc cusub ah oo u dhaxeeya Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira iyo Xoogagga Al-Shabaab, waxayna dagaalladaas ka dhaceen Deegaanno ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Bay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia