Kaad Cabdi Samad oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee lagu Dilo Dalka Koonfurta Africa Sanadkan 2009 ka

Cabirka Farta

Arbaco, January 07, 2009(HOL): Tuugo South African ah ayaa Madaxa xabad uga dhuftay  Kaad C/samad, isagoo ku sugan Dukaan uu ka shaqeynayay oo ku yaala Tuulada Tambiza oo 30km ujirta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Afrika. Tuugadan ayaa ka baxsaday halkaa kadib markii ay dilka geysteen mana jirto wax hanti ah oo ay ka qaateen Dukaanka sida uu ii xaqiijiyeen Ehellada Marxuumka.

Waxyar kadib ayaa waxaa soo gaaray goobtaas Ciidamado Police ah, mana jirto Cid loo qabtay falkaas lagu dilay Muwaadinkaas Soomaaliyeed iydoona isla maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magalada Johannesburg.

Marxuumkan ayaa ah Qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo  la dilo Sanadkan 2009 ka, iyadoo sanadkii tegay ee 2008 da lagu dilay Dalkan Koonfurta Africa 109 qof waa sida ey diiwaangilisay Jaaliyadda Soomaalida South Africa (Somali Comminity Board - South africa), iyadoo ay jiraan Dhaawac badan.

Saciid Cabdulle Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa