Arbaco, January 07, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay Xoogagga Jabhul Islaamiya oo ka mid ah Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay maxkamad soo taagayaan Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay qabteen.
Mas’uulkan u hadlay Jabhul Islaamiya oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Xildhibaanka ay baarayaan kadib marka uu baaritaanka uga dhamaadana ay Maxkamad soo taagi doonaan taasi oo go’aan ka gaari doonta sida laga yeelayo.
Xildhibaanka la qabtay oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Xuseen ayaa markii la qabanayay waxaa isagoo ka tegay magaalada Baydhabo uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, waxaana lagu qabtay nawaaxiga Degmada Buur-Hakaba oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Xoogagga Jabhul Islaamiya.
Xildhibaanka ayaa wuxuu dhawaan ku biiray Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu geeriyooday Xildhibaan ay isku beel ahaayeen bacdamaa Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhisan yahay qaab qeybsiga 4.5, isla markaana uu Axdiga u degsan Dowladda Federaalka uu dhigayo in marka Xildhibaan geeriyoodo ama uu shaqada ka tago ay waajib tahay in ay beeshiisa qof kale uu soo magacaabato xilkaas.
Waa Xildhibaankii labaad oo ay Xoogagga Jabhul Islaamiya qabtaan, waxayna horay u qabteen Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato oo isna Muqdisho ku sii jeeday, inkastoo ay wada hadallo kadib sii daayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia