Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la safan Ciidamada Itoobiya la dilayo haddii la qabto xitaa haddii ay dhaawac yihiin

Cabirka Farta

Arbaco, January 07, 2009(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda oo hoggaamiyayaashooda ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, kuwaasi oo dhawaanahan la wareegayay deegaanno ka tirsan Gobollada Gedo iyo Bay.

Shiikh Xasan Daahir waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in aaney maleeshiyooyinkaas wax raad ah ku lahayn Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, “Ahlu Sunna Wal-jamaaca waxaa ah qofkii heysta Kitaabka Alle SWT iyo Sunnada Rasuulkeena Muxamed CSW, sidaas darteed maleeshiyooyinkan Itoobiyaanka la socda ma ahan Ahlu Sunna waayo dhaqankooda ayaaba u diidaya ah in ay la safan yihiin Ciidamo gaalo ah oo wadanka Soomaaliya ku soo duulay”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Maleeshiyooyinkaas Soomaalida ah iyo hor-joogayaashooda ay ka daran yihiin ciidamada Itoobiyaanka ah, “Ciidamo Cadaw ah marka la qabto waxaa dhici karta in ama la xiro ama la sii daayo, laakin maleeshiyooyinka la safan ee Soomaalida ah marka la qabto waa la dilayaa, dhaawacoodana waa la dhiibi-tirayaa (waa la dilayaa), maxaa yeelay ciidamada Cadawga waa ka daran yihiin marka diin ahaan loo eego”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyay Shiikh Xasan warar beryahan isa soo tarayay oo sheegayay in garabkooda Asmara ay helayeen farriimo uga imaanayay dhinaca Beesha Caalamka, kuwaasi oo ku saabsanaa in ay raacaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa waxaa uu sheegay in isku daygaas uu jiray uuna uga imaanayay Dad Soomaali iyo Diblumaasiyiin shisheeye isugu jira, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay u sheegeen in aysan arkeynin wax ay raacaan oo waddo sax ah ku socda.

“Waxaan u sheegnay dadkii aan farriimahaas ka helnay in dhinacyada heshiiska gaaray ay qudhooda is-heystaan oo TFG-dii ay mar walba u noq-noqonayaan Addis Ababa, dhinaca Isbaheysiga Jibouti-na ay jiraan dad eedo ka sheeganaya heshiiskii Jibouti oo isla Isbaheysigaas ka tirsan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia