Talaado, January 06, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay saaka halkaas gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.
Ciidamadan oo aad u hubeysan, isla markaana lugeynayay ayaa waxay ka soo galeen degmada Baardheere dhinaca Xaafadda Muuri, iyadoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin wax iska caabin ah ama dagaallo ah oo ay la kulmeen.
Dadweyne aad u faro badan ayaa waxay isugu baxeen bartamaha magaalada Baardheere si ay u arkaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Soomaalida ah ee soo gaaray Degmadooda, kuwaasi oo maalmihii aynu ka soo gudubnay la wareegayay gacan-ku-heynta degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
Degmooyinka ay horay ula soo wareegeen Maleeshiyooyinkan Soomaalida ah iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxaa ka mid ah Beled-Xaawo, Buur-dhuubo iyo Garba-haarrey.
Waxaan la ogeyn ilaa iyo haatan halka ay aadeen xoogag Islaamiyiin ah oo dhawaanahan gacanta ku hayay Degmooyinkaas, kuwaasi oo shalay oo ugu dambeysay ku sugnaa Degmada Baardheere ee Xarunta u ah Gobolka Gedo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia