Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan oo u muuqda kuwo isa sii ballaarinaya

Cabirka Farta

Talaado, January 06, 2009(HOL): Inkastoo la sheegay in Ciidamada Itoobiyaanku ka baxaan Dalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaqyo wali Ciidamadu ka wadaan qeybo ka mid ah Goballada Dhexe Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah  oo todobaad ka hor soo galay Deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay bilaabay in ay deegaanno kale uga durqaan halkii markii hore fariisinka u aheyd.
 
Sida ay HOL u sheegeen dadka ku safra wadada isku xirta Goballada Dhexe Ciidamada Itoobiya oo lugeynaya ayaa lagu arkayaa deegaanno ka durugsan Kala-beyr gaar ahaan halka lagu magacaabo Buurta Jiracle oo wax xoogaa u jirta halka Ciidamadu degan yihiin ee Kala-beyrka.
 
Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay ku soo biireen qaar ka mid ah Ciidamadii Maamulkii Dowladda Federaalka ee lagala wareegay awoodda Maaamul ee Goballka Hiiraan kuwaas oo mar marka qaar sida wararku tilmaamayaan si weyn ugu soo dhawaanaya halka fariisinka u ah Ciidamada Maamulka Islaamiga ee Goballka.

Dhinaca kale gaadiidleyda ku safarta Wadada isku xirta Goballada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkii hore ee ku soo biiray kuwa Itoobiya sare u qaadeen qiimaha lacagihii ay ka qaadi jireen kuwa Itoobiya, taasoo sida gaadiidleyda sheegeen dhibaato ku ah in ay sii wadaan howlahooda shaqo.
 
Lama oga xiliga iyo waqtiga ay dib ugu laaban doonaan Ciidamada Itoobiya dhinaca deegaanka Feer-feer oo markii hore ay ka soo galeen Goballka Hiiraan maadaama ay horay uga baxeen Goballka Gal-gaduud Ciidamo Itoobiyaan ah oo in muddo ah ku sugnaa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia