Talaado, January 06, 2009(HOL): Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne isla markaana ahaa Duqa Magaalada Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay ku biireen Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca sida uu u sheegay qaar ka mid ah qalabka Warbaabinta gudaha.
Waxaana uu intaas ku daray in markii ay arkeen garabyada ka jira Dalka Soomaaliya iyo waliba sida loo kala qeyb qeybsan yahay in dhinacooda ay xal u arkeen ku biiradda Ururka Ahlu Sunna oo uu ku tilmaamay in uu yahay Urur ku dhagan sida uu hadalka u yiri Diinta Islaamka.
''Waa Urur ay ku jiraan Culimo si weyn Diinta u taqaana mana dhibaateeyaan shacabka Soomaaliya, waana Urur ku dhisan Dariiqo ku taagan Sunnada Nabiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aadan Garaaso oo intaas ku sii daray in wada hadal dheer ay la galeen Culimo ka tirsan Dariiqadaas.
Hadalka Aadan Garaaso ayaa ku soo baagmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana maalintii shalay ku soo biiray Ciidamada horay uga tirsanaa Maamulkii hore ee Dowladda Federaalku u sameysay Goballka Hiiraan oo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka.
Lama oga waxa ay damacsan yihiin Ciidamada fariisinkoodu yahay Kala-beyr, waxaana maalmihii ugu dambeeyay qeybo ka mid ah Goballada dalka ka jira dhaqdhaqaaqyo si wada jira ah ay u wadaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo waliba kuwo ka tirsan Maamulladii Dowladda Federaalka dhistay kuwaas oo ay ka awood roonaadeen kooxaha Diinta, walow hadana dhaq dhaqaaqyadan oo idil ay ku soo beegmayaan waqtigii loo baahnaa in Ciidamada Itoobiya uga baxaan Dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia