Culimada Soomaaliyeed ee Magaalada Edmonton oo Jaaliyadda Soomaaliyeed kala hadlay sidii loo badbaadin lahaa Da’ yarta soo koreysa

Cabirka Farta

Talaado, January 06, 2009(HOL): Waxaa maalintii Sabtida ee bisha Jannaayo saddexdeedii 2009 kulan diini ah ku qabtay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta, Kanada Culimo Muslimiin ah oo badankoodu Soomaali ahaayeen. Kulankan ayaa lagu qabtay Africa Centre ooy ku dhextaallo xarunta jaaaliyadda Soomaalida Edmonton. Kolanka oo billaamay 1:00 kii duhurnimo ayaa dhammaaday 8:00dii  fiidnimo.

Duruusta laga soo jeediyey kulankan ayaa badankeedu ku saabsanayd sidii loo barbaarin lahaa carruurta Soomaaliyeed ee soo koreysa, si looga hortago dilka iyo dhibka ay maaalin walba dhalinyaradu la kulmayso. Wiilal badan oo Soomaali ah ayaa waayahan danbe si istaba joog ah loogu dilayey gobolka Alberta; arrintaasina waxay murugo galisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton iyo agagaarkeeda.

Culimada Soomaaliyeed ayaa ku celcelisay siday lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyo afka Soomaaliga oo astaan u ah ummadda Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda. Waxay culimadu tilmaantay in haysashada afka Soomaaligu ay sahlayso in la haysto ama la barto diinta Islaamka.

Waxaa kale ooy culimada Soomaaliyeed aad uga hadleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta ku dhimaneysa magaalada Edmonton iyo sababaha keenay in ay tubta toosan ka leexdaan. Waxay culimadu dadka  reer Edmonton ku boorriyeen in si wadajir ah loogu istaago wax kaqabashada dilalka badan ee jaaaliyadda soo foodsaaray.

Waxaa kale ooy culimadu aad ugu adkeeyeen dadka Soomaaliyeed ee goobta muxaadara isugu yimid sida ay lagama maarmaan u tahay in la adkeeyo qoysaska Soomaaliyeed iyo wadajirkooda. Waxay farta ku fiiqeen dhibaatada ka dhalatay qoysaska burburay iyo waxa ku dhacay ubadka qoysaskaas. “waxaa lagama maarmaan ah in aabaha iyo hooyadu si wadajir ah ugu guntadaan barbaarinta iyo tarbiyeynta carruurtooda”, waxaa sidaas yidhi Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo ah Imaamka maasjidka Alsaxaaba ee magaalada Edmonton.

Culimadii ee maalintaas dadka aad ula hadashay ayaa waxaa kamid ahaa:

Sheekh Yaxye Briglio (Sheekha khudbadda Jimcaha ka akhriya Alsaxaaba).
Sheekh Maxamed Sheekh Cabudullaahi (Immaamka masaajidka Alsaxaaba)
Sheekh Ciise  Cawaale (Maamulaha masaajidka Alsaxaaba). 
Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan (sheekh kamid ah culimada masaajidka).
Dr. Cabdullaahi Sheekh Cumar (Maamulaha Islamic Schoolka Edmonton).
Waxay dhammaan culimadu isku raaceen in ay waajib ku tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton iyo kuwa kaleba sidii ay carruurtooda diinta Islaamka u bari lahaayeen. Waxay culimadu intaas raacisay in ay lagama maarmaan tahay barashada afka hooyo, iyagoo sheegay in afka hooyo aqoontiisu ay fududeyneyso barashada diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Boqolaal dad ah ayaa isugu yimid kulankaas; waxayna dadku aad ugu bogeen sida wanaagsan ee hufan ee ay culimadu usoo bandhigeen muxaadarooyinkooda.  Xarunta ururka Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton ayaa iyaduna dadka Soomaaliyeed u sheegtay adeegyada ay u qabato bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay uga qayb qaadaneyso barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. Urarkan ayaa aad looga yaqaan magaalada Edmonton; adeegyo badan oo muuqdana u qabta jaaliyadda Somaaliyeed ee magaalada Edmonton.

Mohamed Abdi
[email protected]
Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton
Edmonton, Alberta, Kanada