Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabatay

Cabirka Farta

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
Jimco, January 30, 2009(HOL): Waa haatan si rasmi ah uga bilaabatay Guriga Umadda Jibouti doorasahda madaxweynaha Soomaliya, taasi oo aan rasmi ahaan la ogeyn goorta ay soo geba-geboobi doonto.

Xildhibaannada  xaadirka ku ah guriga Umadad sida Guddoonka Baarlamaanka sheegay waxay gaarayaan 420 Mudane, waxayna isugu yimaadeen in ay kala doortaan musharixiin isu soo taagay qabashada xilka madaxweynenimada Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah:

Axmed Xaashi Maxamuud
Cawad Axmed Xasharo
Cali Khaliif Galeyr
C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-Wade)
Cali Xaashi Dhoorre
Maslax Maxamed Siyaad
Maxamed Axmed Cali
Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere
Maxamed Cumsaan Aadan
Muuse Macallin Yuusuf
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Xasan Abshir Faarax
Yuusuf Cumar Al-Azhari

Waxaa xusid mudan in intii aaney doorashada bilaaban loo yeeray musharixiintaas, kuwaasi oo la kala dooran siiyay in ay musharaxnimadooda ku adkeystaan ama qofkii doonaya in uu doorashada ka haro uu caddeeyo.

Markaas  kadib waxaa is-casilay Musharixiin ay ka mid yihiin Xasan Abshir Faarax, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo  Maxamed Axmed Cali, waxayna sheegeen in ay go’aankaas qaateen kadib markii ay arrimo badan qiimeeyeen, waxayna rajeeyeen in uu Allaah Dadka Soomaaliyeed u soo saaro hoggaamiye dalka iyo dadka dhibaatada ka saara. Markii ay seddexdaas musharax ka laabteen musharaxnimadooda, waxaa 14-kii musharax ka soo haray 11 musharax oo ku adkeystay in ay codad ku kala haraan.

Intaas kadib waxaa loo yeeray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo laga codsaday in uu hadal kooban jeediyo inta aaney doorashada bilaaban. Ould Abdallah waxaa uu u mahadceliyay Madaxda Dowladda Jibouti, Wakiilladii ka socday Beesha Caalamka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, wuxuuna kadib ka hadlay heerarka ay soo mareen wada hadalladii geedi socodka nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan waqtiga ay heystaan.

Wuxuu intaas ku daray Ould Abdallah in musharixiin badan ay xilkaas isu soo taageen hayeeshee uu hal ka mid ah soo bixi doono, wuxuuna ka codsaday musharixiinta laga guuleysto in ay la shaqeeyaan midka guuleysta, ayna wax kasta ku garab-galaan. Wuxuu tusaale ugu soo qaatay Xildhibaannadii uu la hadlay Ould Abdallah Dalalka Yemen iyo Malaysia oo ku guuleystay in ay ka gudbaan dhibaato horay u soo martay, sidoo kalena maamullada Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay in inkastoo ay awooddooda yar tahay ay hadana ku guuleysteen in ay nidaam iyo kala dambeyn sameystaan.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ould Abdallah waxaa uu sheegay in marka madaxweynaha la doorto uu ku shaqeyn doono Caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho, sidoo kalena Baarlamaanka ayuu sheegay in ay ku shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho.

Intaas kadib  waxaa hadlay sii hayaha Xilka Madxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay qaabka doorashada loogu kala guuleysanayo, wuxuu u qodobeeyay qaabkan:

“Wareegga koowaad waxaa doorashada ku guuleysan kara musharixii hela 3/2 (seddex meelood labo) codka xildhibaannada, haddii la waayo wareegga labaad ayaa loo gudbayaa, waxaana ka qeybgelaya wareegga labaad musharixiintii hela codadka ugu badan, haddii mar kale la kala badin waayo waxaa wareegga ugu dambeeya oo midka seddexaad ah u gudbaya labada musharax ee isu soo harta, kuwaasi oo cod hal dheeri ah ku kala bixi doona”.

Sida ka muuqato qaabka doorashada u socoto waxaa la filayaa in musharixiinta isu soo haray ay si sahal ah ku kala bixi doonaan,  bacdamaa shirka ay hagayaan fududeeyayaal farsamo fiican leh, kuwaasi oo ka feejigan in shirka ay habacsanaan ku timaado amaba uu qaato waqti aan macni ku fadhin,

Kala soco halkan wixii ku soo kordha doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Jibouti ka socota

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia