Jimco, January 30, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in duqeyn xalay loo geystay xaafado ka tirsan degmadaas ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.
Hal ruux ayaa duqeyntaas ku geeriyooday labo ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray kadib markii Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen xaafado ka tirsan Degmada.
Dagaal ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb ayaa shalay xoogagga Al-Shabaab looga saaray degmadaas, waxaana haatan degmada gacanta ku haya Xoogag u daacad ah dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, kuwaasi oo shalay dagaal ku qabsaday.
Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb ayaa wuxuu geystay dhimashada dad ka badan 15 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamayay oo aysan u ahayn markii ugu horeysay oo ay ku dagaallamaan deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmadaasna waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, inkastoo dadka ay qabaan cabsi kus aabsan in mar kale ay dhinacyadan dushooda ku dagaallamaan, uuna dagaalkooda khasaare ka soo gaaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia