Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qul-qulaya Guriga Umadda Jibouti si ay Madaxweyne u doortaan

Cabirka Farta

Jimco, January 30, 2009(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagoo safaf dhaadheer ku jira waxay ku sii qul-qulaya Guriga Umadda, halkaas oo ay ku dooranayaan Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Ammaanka Guriga Umadda oo doorashada ka dhaceyso ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana hareeraha iyo gudaha Xarunta Guriga Umadda lagu arkayaa Ciidamo loogu talagalay in ay ammaanka sugaan. Daqiiqado kadib ayaa la filayaa in ay bilaabato doorashada oo u dhici doonta qaab qarsoodi ah.

Xildhibaannada ayaa loogu yeeri doonaa magacyadooda qaabka ay isugu xigaan min  A-Z , wuxuuna kadib Xildhibaan kasta buuxin doonaa warqadda uu ku codeynayo oo ay ku qoran yihiin 14 musharax oo xilkaas isu soo taagay, wuxuuna ka calaamadeysan doonaa midka uu codkiisa siinayo.

Labada Musharax ee la saadaalinayo in ay isugu hari doonaan Wareegga ugu dambeeya
Lama oga ilaa iyo haatan inta ay qaadan doonto doorashadan oo ay ka qeybgalayaan xildhibaannadii ugu badnaa ee soo maray Soomaaliya, waxaana lagu soo waramayaa in 14-kaas Musharax ay ugu cad cad yihiin labo musharax oo kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Haddiiba aan lagu kala bixin wareegga koowaad waxay doorashada yeelan doontaa wareeg labaad iyo mid afaraad oo lagu kala reebayo musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa in waqtiga doorashada uu dheeraan doono, isla markaana la isla gaari doono ilaa caawa saq dhexe, waa haddii aysan sheekadu noqon NIN DOORAN DOORTA MAXAA U DHAHDEEN, DADKANA MAXAA U DEMBAAJISEEN?, taasi oo dhigan in Xildhibaannada ay dooran doonaan Musharax u diyaar ah oo ay inta badan codadkooda siinayaan.

Kala soco halkan qaabka ay doorashada u dhacdo iyo musharixii uu nasiibka siiyo in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia