Xukuumadda Somaliland oo ansixisay Xeerka La-dagaallanka Argagixisada

Cabirka Farta

Jimco, January 30, 2009(HOL): Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland ayaa ansixiyay Xeerka La-dagaallanka Argagixisada, isla markaana waxay sheegeen in ay u gudbin doonaan Golaha Baarlamaanka Somalilandsi uu u ansixiyo.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani Mooge, Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa lagu ansixiyay Xeerka Argagixisada oo dhawaanahanba ay wadday Xukumaddu.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Golaha wasiirada xukumada Somaliland oo gudoominaayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa maanta oo khamiis ah fadhi aan caadi ahayn ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada JSL. Golaha wasiiradu waxaa maanta fadhigaasi uu kaga doodey xeer loogu talo Galey ka hortaga argagixisada. Golahu waxaa uu si qoto dheer u qaada dhigey xeerka argagixisada, oo ah mid Loogu talo galey in maxkamad sharci ah lagu soo taago dadka ku kaca falalkaasi, oo Noqdey qaar ka dhacay dunida meelo badan oo ka mid ah tobankii sanadood ee ugu danbeeyey, sida aynu ka warhayno falalaas argagixiso, waxaa ka mid ahaa kuwii ka dhacay JSL 29/10/08.

Golaha wasiiradu markii uu si qoto dheer uga baarandegay  xeerka lagu talo galey Ka hortaga Argixisada qodobada uu ka kooban yahay ,waxay si wado jir ah u Ansixiyey Xeerkaasi. Waxaana Xeerkan loo gudbin doonaa goloyaasha sharci Dejinta somaliland sida ugu dhakhsaha badan.”
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland