![]() |
| Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo shir ku yeeshay Hotel ku yaala Magaalada Djibouti ayaa isku raacay in uu musharaxooda kaliya uu yahay Guddoomiyaha Isbaheysigaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana shirkaas kadib saxaafadda u aqriyay qoraalka golaha ka soo baxay Prof. C/raxmaan Xaaji Ibbi oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon golahaas.
Shiikh Shariif oo isna ka hadlay madasha looga dhawaaqay musharaxnimadiisa ayaa wuxuu u mahadceliyay xubnaha Isbaheysiga ee u gartay in uu musharax u noqdo, wuxuuna intaas ku daray in uu aqbalay in uu musharax u noqdo Isbaheysiga.
Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo 275 Mudane ku leh Baarlamaanka Dowladda Midnimada Qaran oo isu geyntiisa dhan 550 mudane ayaa wuxuu soo sharaxday hal musharax oo u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, halka dhinaca kale ee TFG-da ay jiraan musharixiin dhowr ah oo xilkaas si is-barbar yaac ah ugu tarmaya.
Waxaa jira musharixiin badan oo jagadaas u hanqal taagaya, kuwaasi oo isugu jiray kuwo dowladda Federaalka ka tirsan iyo kuwa banaanka ka ah, kuwaasi oo iyana horay u soo qadimay musharaxnimadooda xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Horay waxaa isu soo sharaxay Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Qanyare Afrax, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Dr. Cali Khaliif Galeyr, Guddoomiyihii hore e maamulka Gobolka Banaadir Cadde Gaabow, La-taliyihii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Yuusuf Cumar Azhari, Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo dhinaca Ammaanka La-taliye uga ahaa C/llaahi Yuusuf iyo musharixiin kale oo iyana isa soo bannaan bixin doona saacadaha soo socda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
