Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay halkaas uga baxayaan

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqy u muuqdo kuwo ay kaga baxayaan Magaaladaas.

Ciidamadan oo ku sugan Xarunta Warshaddii Oomada Xasey, Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo dareemayaan dhaqdhaqaaqooda u muuqda bixitaanka.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo gaadiid faaruq ah oo aysan ciidamo saarneyn oo ka soo tallaabay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa iyana la sheegayaa in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la hadal hayo in ay Baydhabo u imaanayaan sidii ay Ciidamadaas u daabuli lahaayeen.

Dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo aadayaa bixitaankooda iyadoo dhamaanba xubnihii Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba madaxdii Dowladda loo qaaday dalka Jibouti, halkaasi oo la filayo in ay dhawaan ka soo baxdo dowlad-midnimo-qaran oo loo dhan yahay.

Ciidamada Itoobiya ayaa kadib muddo labo sano ah oo ay ku sugnaayeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho waxay isaga baxeen bartamihii bishan, iyadoo ka bixitaankooda Muqdisho-na si weyn loo soo dhaweeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia