Ciidamada Amisom oo lagu eedeeyay in ay la mid noqdeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL):  Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in ay la mid noqdeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaan ka baxay Gobolka Banaadir.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa ku eedeeyay Ciidamada Amisom in ay ku garaaceen Suuqa Bakaaraha iyo goobo ay dad rayid ah degan yihiin madaafiic aad u culus, waxayna taasi ku tilmaameen falal cadawnimo ah.

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in hab dhaqanka ay bilaabeen Ciidmada Amisom in uu la mid yahay midkii Ciidamada Itoobiyaanka ah, wuxuuna caddeeyay in haddii ay sidaas ku sii socdaan aysan waxba uga duwanaan doonin shacabka Soomaaliyeed Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad ayaa isna sheegay in Ciidamada Amisom ay u arkayaan kuwo cadaw ku ah Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay iska celiyaan oo ay ula dagaallamaan sidii ay ula dagaallameen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa. Xaad Dowladaha ay Ciidamadaas ka socdaan ayuu ugu baaqay in ay Ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa isna dhinaciisa ka eedeeyay Ciidamada Amisom, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Cidiamadaas ay si naxariis darro ah u duqeeyeen Suuqa Bakaaraha iyo degaanno u dhow, halkaasna ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Dad rayid ah.

Ciidamada Amsiom ayaa shalay waxay duqeeyeen Suuqa Bakaaraha iyadoo duqeyntaasna ay ka dambeysay kadib weerarro lagu qaaday oo isugu jiray madaafiic hoobiyayaal ah iyo mid toos ah.

Ugu dambeyntiina, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa markii ay baxeen Ciidamada Itoobiyaanka waxay ku baaqayeen in aan la weerarin Ciidamada Amisom, iyagoo taasina sabab uga dhigay in aaney howlgallo sameynin oo aysan dadka iska xir-xiran, sidoo kalena aysan xuduud la lahayn Soomaaliya, hayeeshee kadib duqeyntii shalay ayaa u muuqata in ay wax ka bedeshay mowqifkoodii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia