Maamulka Puntland u hambalyo u diray Ciidanka Ammaanka Somaliland

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL):  Maamulka DGPL ayaa markii ugu haraysay hambalyo u diray Ciidanka amnaanka Somalialnd oo maalmo ka hor gacanta ku dhigay hub sharci darro ah, kaasi oo la doonayay in la galiyo gudaha maamulkaasi.
 
Wasiirka Amniga DGPL C/laahi Siciid Samatar oo ka qayb galay kulan looga hadlayay amniga Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii waxa looga qaban lahaa amni xumo ka jirta magaalada Boosaaso, isagoo ciidamada ammaanka Somaliland ku amaanay hawlgalkii ay ku soo qabteen hub la doonayay in Hargaysa la galiyo.
 
"Waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa ciddii lagu arko iyadoo amni-xumo wada ,isla markaan aan isku duubni muujinnaa" Sidaas waxaa saxaafadda u sheegay C/laahi Siciid Samatar.
 
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeennadii la soo dhaafay ay dilal kala duwan ka dhaceen magaalada Boosaaso kuwaasi oo aan la ogayn ilaa iyo hadda cidda geysatay.
 
Maamulka Puntland iyo Somaliland oo ay horay uga dhaxeysay khilaaf dhanka xuduudaha ah ayaa hadalka ka soo yeeray wasiirkan la is oran karaa waa mid isku soo dhawayn kara labada maamulka ee Puntland iyo Somaliland.

Faysal Maxamed Xasan(Boston ), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia