Jimco, January 23, 2009(HOL): Dowladda Uganda ayaa Midowga Afrika waxay weydiisatay lacag mag-dhow ah oo gaareysa 14 Milyan oo Doollar, taasi oo ay u qaadaneyso hubkii ay ku isticmaashay howlgalka ay Ciidamadeeda u joogaan Soomaaliya iyo weliba khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray Ciidamadooda.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Uganda Dr. Crispus Kiyonga ayaa Baarlamaanka Dalkiisa u sheegay in Dowladda Uganda loo mag-dhabi doono hubkii ay Soomaaliya ku isticmaashay labadii sano ee la soo dhaafay, “waxaan sameynay isku cel-celin qiimaha uu hubkaas noogu kacay, wuxuuna noqday 14 Milyan oo Doollar”ayuu yiri Dr. Crispus Kiyonga oo rajeeyay in ay lacagtaas dhaqsi heli doonaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Uganda waxaa uu intaas ku daray in ay Midowga Afrika ka rajeynayaan in uu lacagtaas mag-dhowga ah siiyo inta aysan ciidamo kale oo dheeraad ah u dirin Soomaaliya.
Ciidamo Amisom loogu magac-daray oo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxay hataan ku sugan yihiin Soomaaliya, waxayna qorsheynayaan in ay ciidamo dheeraad ah u soo diraan Soomaaliya, inkastoo ay muuqato shuruud ay Ciidamadaas ku xirayaan.
Ciidamada dheeraadka ah ee ay labadan dowladood u soo dirayaan Soomaaliya ayaa waxay uga gol-leeyihiin in ay difaacaan Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku soo banaanaaday dhul baaxad leh oo ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaan Muqdisho ka baxay, waa sida ay sheegeen Saraakiisha Mileteriga labada dowladood.
Haddaba waxaa cajiib ah in Dowladda Uganda ay warsaneyso Midowga Afrika lacag mag-dhow ah oo ay ku rabto hub ay ku isticmaashay Magaalada Muqdisho, kaasi oo qaarkiis la ogyahay in uu galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo aaney jirin cid u doodeysa in mag-dhow laga bixiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia