Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo mamnuucay in Qaadka lagu iibiyo, laguna cuno gudaha magaaladaas

Cabirka Farta

Jimco, January 23, 2009(HOL): Wareegto ka soo baxday maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu mamnuucay in gudaha magaaladaas lagu cuno, laguna iibiyo maan-dooriyaha Qaadka.

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu go’aankan qaatay kadib markii ay wada hadallo yeesheen ganacsatada Qaadka iyo mas’uuliyiinta Maamulka, iyadoo ugu dambeyntiina la isku af-gartay in Qaadka lagu iibiyo Garoonka Kubadda Cagta Waamo oo duleedka magaalada ku yaala, ciddii cuneysana ay gudaha magaalada kala baxdo.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali oo soo saaristii wareegtadaas kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay Qaadka uga mamnuuceen gudaha magaalada ay tahay iyadoo uu lumiyay bilicdii magaalada, uuna qashin iyo wasaq badan keenay.

Muddo seddex maalmood ah ayaa loo qabtay ganacsatada Qaadka in ay ganacsigooda ugu wareejiyaan halka loo cayimay, iyadoo ciddii amarkaas u hoggaansami weysana loo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Waa  markii ugu horeysay oo uu maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo uu mamnuuco in Qaadka lagu cuno laguna iibiyo gudaha Magaaladaas. Xiligii uu Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ka talinayay maamulkii Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa gebi ahaanba la xanibay in Qaadka iib ahaan loo keeno Soomaaliya, inkastoo uu maamulkaas meesha ka baxay iyadoo uu Qaadka si qarsoodi ah u soo gelayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia