Jimco, January 23, 2009(HOL): Xildhibaanada barlamanka KMG ah ee Somalia kuwooda ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in ay ka qeybgalayaan doorashada Madaxda Dalka Somalia ee loo balan sanyahay in ay ka dhacdo dalka Jabuuti.
Kulan saxaafadeed ay xildhibaanadu ku qabteen magaalada Galkacyo ayey si wada jir ah ku sheegeen in maalmaha soo socda ay ka dagayaan dalka Jabuuti si ay ugu qeyb noqdaan Xildhibaanada madaxwaynaha dooranaya.
Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil Badbaado oo ka mid ah Xildhibaannadii kulankaasi qabtay ayaa sheegay in ay qaateen hadalkii ahaa in Xildhibaannadu ay isugu tagaan dalka Jabuuti, kaasi oo ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Shiikh Aadan Madoobe.
Su’aalihii ay Saxaafaddu weydiisay Xildhibaannada waxaa ka mid ahaa waxa ay Baydhabo ku diideen in ay dib ugu laabtaan ,waxaana ay sheegeen in ay ammaanka oo xun ay arintaasi ku kaliftay.
Ugu dambeyntii Xildhibaannadaan oo loo arkay in ay ka gadoodeen baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan doorashada Madaxda Dowladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya loo soo dhisayo, taasi oo is qabqabsi badan kadib lagu heshiiyay in ay ka dhacdo Dalka Jabuuti.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia