Jimco, January 23, 2009(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay kordhineyso ciidamada ka jooga Soomaaliya, isla markaana aysan u qorsheyneyn in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Uganda Dr. Crispus Kiyonga ayaa u sheegay Guddi Baarlamaanka Uganda u qaabilsan Difaaca iyo Arrimaha Gudaha in kadib wada hadallo dhexmaray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Hoggaanka IGAD iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon la isku af-gartay in ay Ciidamada Uganda sii joogaan Soomaaliya.
Dr. Kiyonga waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Uganda ay ku joogaan Soomaaliya ogolaasho ay ka heystaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo dhawaan muddo lix bilood ugu kordhiyay waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Dr. Crispus Kiyonga waxaa uu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu gaarsiiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya ilaa bisha June ee soo socota, iyadoo xiligaas wixii ka dambeeyana Ciidamo ka socda UN-ka loo soo diri doono Soomaaliya.
Sidoo kalena Madaxa Ciidamada Difaaca Uganda General Aronda Nyakairima ayaa laga soo xigtay in Dowladda Uganda ay Ciidamo dheeraad ah u diri doonto Soomaaliya, kuwaasi oo xoojin doona Ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dowladda Burundi ayuu iyadana sheegay in ay kordhineyso Ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Hadalka ka soo yeeray Dowladda Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay oo ugu dambeysay madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Ciidamada Uganda ee ku sugan Xarunta Villa Somalia, kuwaasi oo iyana madaafiic jawaab ah oo ay soo tuureen ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia