Jimco, January 02, 2009(HOL): Dadweyne aad u faro badan ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyagoo banaanbaxoodana uga soo horjeeday xarig ay Ciidamada Itoobiya u geysteen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Dadkani banaanbaxayay ayaa waxay isugu soo baxeen Degmooyinka C/Casiis, Shibis, Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo xarigga ay Ciidamada Itoobiya kula kaceen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kalena Dadka banaanbaxayay ayaa waxay ciidamada Itoobiya ka dalbanayeen in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, iyagoo sheegay in aysan ogeyn wax dembi ah oo uu galay Guddoomiyihii hore.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shaaca ka qaaday in ay ka war-qabto xarigga loo geystay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin uu sheegay in sababta loo xiray Maxamed Dheere ay tahay in uu dhego-adeygay in uu soo wareejiyo hub iyo ciidamo uu sameystay intii uu ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa wuxuu muddo 48 saacadood ka badan gacanta ugu jiraa Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan la ogeyn halka ay ku hayaan Guddoomiyihii hore.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia