Jimco, January 02, 2009(HOL): Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2008-da ma'aheyn mid amaan iyo bogaadin xanbaarsan waliba waxaa xusid mudan in Sanadkaas bahda Saxaafaddu si gaar ah u xasuusan doonto waayo waxaa dhintay oo qaarkood waliba si bareer ah loo dilay Wariyaal magac iyo maamuus ku dhex lahaa deegaannadii ay ka howlgali jireen ama guud ahaan dalka Soomaaliya.
Qaarkood waxaa ay u dhinteen oo loo dilay ka run sheegidda wax yaabaha dhabta ah ee ka dhacaya deegaannada ay ku nool yihiin, halka kuwo kalena ay la dilay iyaga oo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo xili adag oo ay bulshadu u baahan tahay in ay hesho xograsmi ah oo ka tarjumeysa sawirika dhacdooyinka maalin kasta ka taagan dalka Soomaaliya.
Ma 'ahan wax sahlan in laga dhax shaqeeyo goobo ay ka wada taliyaan kooxo Siyaasad ahaan is-diidan walibana u arka qofka Suxufiga ah in uu yahay (Danbiile) maalin kasta hawada ku sii daaya warar aan rasmi aheyn ama ka hor-imaanaya danahooda Siyaasadeed laakiin Wariyuhu taa badalkeeda iskuma arko in uu sidaa yahay, "waayo waxaa uu aaminsan yahay in uu yahay Shaqsi mas'uuliyadi ka saaran tahay soo gudbinta warar dhax dhaxaad ah, Runta ku saleysan, isla markaana aan cidna waxba u dhimin, waana tan keentay in Wariyuhu isagoo isku kalsoon uu ka dhax shaqeeyo goobaha Colaaduhu ka jiraan.
Rajada Sanadkan 2009-ka ay ka qabeen Suxufiyiinta Soomaaliyeeda waxaa ay aheyd mid ku saleysan horumar laga sameeyo dhinaca Nabad-galyada, iyo waliba in uu meesha ka baxaan dilalka dadka Muhiimka u ah Bulshada oo ay ku jiraan Suxufiyiinta, hase ahaatee waxaa arin laga naxo ahayd dilkii Magaalada Afgooye ee Goballka Shabeellada Hoose loogu geystay 1-Jan-2009 oo ku beegneyd maalintii shalay Wariye Xasan Mayow Xasan oo ka tirsanaa Idaacada Shabeelle.
Sida laga soo xigtay Madaxa Idaacada Shabeelle dilka Wariyuhu waxaa uu ahaa mid si bareer ah u dhacay, iyadoo lagu eedeyay Wariye Xasan Mayow Xasan in uu la shaqeeyo garab ka tirsan dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya taasoo ah mashaakilka ugu weyn ee heysta in badan oo ka mid ah bahda Warbaahinta.
Waxaa la oran karaa marka loo fiirsado waqtiga iyo Taariikhda uu ku soo beegmay dilka Wariye Mayow " Dilkii Wariye Xasan Mayow Xasan Ma Daah fur ayaa looga dhigay Sanadka Cusub ee 2009, "' Dabcan Haa, waliba waa farriin ku socota Suxufiyiinta taasoo ah in wali uusan dhamaan ugaarsiga lagu hayo bahda Saxaafada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee HOL waxa ay leedahay Alle ha u Naxariistee Wariye Xasan Mayow Xasan iyo wariyayaashii kale ee horay u geeriyootay, balse waxaa hubaal ah in bahada Saxaafadda meel kasta oo ay joogaan ay hortaala Xujo adag oo u baahan in looga gudbo farsamo iyo foojignaan dheeraad ah inkastoo taasi macnaheedu uusan aheyn in laga wada faraxasho howlihii loo hayay Bulshada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dilkii Suxufi Xasan Mayow Xasan ma Daah-fur ayaa looga dhigay Sanadka 2009?
Cabirka Farta
More News
- Banaanbax looga soo horjeedo Xariggii ay Ciidamada Itoobiya u geysteen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay
- Dhaqdhaqaaqii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo uu hakad ku yimid
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad ku dhow 10 Ruux ku dilay Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho
- Wadaad Caan ah oo lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimo ku saabsan dowladdii uu iska casilay, Burcad Badeedka iyo Puntland
- Mas’uul ka tirsanaa Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo lagu dilay Magaalada Baydhabo