Jimco, January 02, 2009(HOL): Waxaa hakad uu ku yimid dhaqdhaqaaqii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga deegaannada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Hakadkaas ayaa yimid kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho ay socod ku marayeen Wadadaas, iyadoo taasina ay keentay in ay dadkii ku noolaa hareeraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay ka fogaadaan Ciidamada Itoobiya, halka gaadiidkii Wadadaas isticmaali jiray uu isna istaagay.
Dad aan kala xiriirnay Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ayaa waxay noo sheegeen in ay Ciidamada Itoobiyaanka isugu jireen kuwo lugeynayay iyo kuwo gaadiid saarnaa oo dusha ka eegayay hareeraha Wadadii ay ku socdeen. Ma jirin wax iska hor-imaad ah oo ay Ciidamadaas la kulmeen intii ay ku socdeen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada Itoobiyaanka oo watay Gaadiidka Dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda qaada ayaa waxay u sii jeedeen dhinaca Degmada Afgooye, halkaasi oo wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaarayna ay sheegayaan in ay ciidamadu halkaas gaareen.
Dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan Ciidamadan ayaa la sheegayaa in uu qeyb ka yahay fulinta ballanqaad ay bixisay Dowladda Itoobiya, kaasi oo ahaa in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya todobaadka ugu horeeya ee Bisha Janaayo 2009.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somali