Jimco, January 02, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dileen Wadaad caan ah oo ka tirsanaa Culumaa’udiinka lagu yaqaanay fidinta Diinta Islaamka.
Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shiikh Maxamed Ibraahim (Ceel-buur) ayaa waxay kooxaha hubeysan ku dhex toogteen caruurtiisa iyo hooyadiis oo indhoole ah, waa sida ay sheegeen dad ehello la ah marxuumka.
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababtii loo dilay Wadaadkaas oo mar ka tirsanaa Mashaa’ikhda Maxkamaddii Warshadda Caanaha, sidoo kalena qeyb weyn ka qaadanayay fidinta Diinta Islaamka.
Marxuumka ayaa saaka lagu aasay deegaanka Ceelasha Biyaha oo uu u qaxay wixii ka dambeeyay markii dagaallada ka dhaceen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalay dad badan oo isugu jiray ehelladiisa iyo weliba dad ay saaxib ku ahaayeen fidinta Diinta Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia