Arbaco, January 14, 2009(HOL): Xoogag Islaamiyiin ah oo ka mid ah kuwii dagaalka kala soo horjeeday ayaa waxay bilaabeen in ay la wareegaan fariisimo ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay Saldhigyada Booliska Wardhiigely iyo Boondheere iyo Isgoysyada Afarta Jardiino iyo Siinaay ayaa waxaa la wareegay xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo kula wareegay si aan dhiig ku daadan.
Ciidamadii goobahaas ku sugnaa ayaa markii ay maqleen in ay ku soo socdaan xoogagga Islaamiyiinta waxay bilaabeen in ay kala cararaan, waxaana hadda afartaas goobood taladooda la wareegay Xoogag Islaamiyiin ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay meelaha qaarkood sida Saldhigga Degmada Boondheere iyo Isgoyska Siinaay ay kula wareegeen is-faham dhexmaray ciidamadii horay ugu sugnaa.
Is-bedelkan ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo 36-kii saacadood ee aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka baxayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa farisiimo ay ku lahaayeen Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigley.
Dad badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan cabsi ku saabsan in is-bedelka socda uu keeno ku tartan dhinaca awoodda ah, gaar ahaan marka ay timaado la wareegitaanka goobaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya iyo meelaha ay cabsida kaga baxeen Ciidamada Dowladda Federaalka, hayeeshee waqtiyada soo socda ayaa la ogaan doonaa sida xaalku noqdo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia