Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo soo dhaweeyay Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Fariisimo ku yaala Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, January 14, 2009(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya (garabka Jibouti) Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhaweeyay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa wuxuu sheegay in ay arrin lagu farxo tahay in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya, wuxuuse ka digay in ay nabadgelyo darro timaado kadib bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

“Haddii Ciidamada Itoobiyaanka baxaan waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon in uu isku tashado, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii uu u sugi lahaa ammaanka, uuna u dhisan lahaa Dowlad-Midnimo-Qaran”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo doorashada madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baydhabo ka dhacda waxaa uu sheegay in aysan jirin wax ay taasi soo kordhineyso, wuxuuna ku baaqay in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo loo dhan yahay, taasi oo dhibaatada ka saarta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kalena, Shiikh Shariif waxaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada wada hadallo dhexmara Garabyada ay u kala baxeen Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay socdaan daallo arrintaas ku saabsan, isagoo rajeeyay in uu is-afgarad dhici doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia