![]() |
| Shiikh C/raxiin Ciise Caddow |
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo gudaha garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium kula hadlayay Warfidiyeennada ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu Garoonka Kubadda Cagta Mqudisho Stadium noqon doono mid ay Kubadda Cagta ku ciyaaraan Dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uusan noqon doonin mid mileteri sidii uu ahaa muddo labo sano ah.
Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in aysan jirin meel ay mujaahidiinta ku tartamayaan oo ay qabsigeeda ku kala hormayaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ay wada joogaan Xoogagga Muqaawamada.
![]() |
| Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad Indha-Cadde |
Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aaney ogolaan doonin wax aan ka ahayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, isla markaana ay raacaan Kitaabkiisa iyo Sunna Rasuulka.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Xeradii Guul-Wadayaasha ayaa maanta halkaas isaga baxay, waxaana fariisinkii ay ka baxeen la wareegay Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo markii ay fariisinkaas la wareegayeen ay is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo aan xeradaas u dheereyn.
War la xiriira Warkan:
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Warshaddii Baastada iyo Xeyla Bariise-HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

