Ururka Islaax oo ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay ka wada hadlayaan waxyaabaha ay isku hayaan

Cabirka Farta

Arbaco, January 14, 2009(HOL): Ururka Islaax oo horayba u aaminsanaa in joogitaanka ciidamada Itoobiya wadanka gudihiisa ay sii adkaynaysay dhibaatooyinka Wadanka ka jira, sababtayna dhimasho,dhaawac, barakac iyo burbur dhan walba ah, iyadoo la ogsoon yahay in Ururku horay dhowr jeer ugu baaqay inay ciidamadaasi wadanka isaga baxaan, wuxuu soo jeedinayaa qodobadan:

1- Wuxuu soo dhowaynayaa bixitaanka ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay kabaxaan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqayaa inay dhamaystiraan ka bixitaankooda wadanka oo dhan.

2- Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada is khilaafsan ee Soomaalida ah inay wax kasta oo khilaaf dhexdooda ka jira ku xalliyaan wada hadal kana fogaadaan in dhiig dambe oo Soomaaliyeed uu daato , mar haddii ay ciidamadii Itoobiyaanku bilaabeen in ay dalka ka baxaan.

3- Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed inay muujiyaan deganaan xasilooni iyo iskuduubnaan, kana qayb qaataan, dadaallada dibuheshiineed iyo dibudejinta dadkii horay uga barakacay degaanadooda.

4- Ugu danbayn Ururka Islaax waxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka guud ahaan, gaar ahaan wadamada Islaamka  inay degdeg ula soo gaaraan gargaar bani’adamnimo dadka ku tabaaloobay dagaallada, si mug lehna uga qayb qaadataan dibudhiska dalka

Dr. Calibaashi Cumar Xaaji
Gudoomiyaha Ururka Islaax

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia